Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo Mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyay

Published

on

Xildhibaanada qaar ee baarlamanka maamulka Puntland ayaa maanta saxiixay Mooshin xil ka qaadis ah Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ka dib markii uu diiday inuu dhageysto hadalka wasiiradii dowladda dhexe udirtay Siciid Deni inay kala hadlaan arimaha khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe si wada shaqayn fiican udhaxmarto Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya sidoo kale uu ka diiday inuu ka baaqsado ka qayb galka munaasabada Axmed madoobe ka dibna uu ka qayb galay munaasabadii Axmed Madoobe lagu caleema saarayay ee ka dhacday magaalada kismaayo.

Xubnahan Xildhibaanada ah ee sheegay inay Mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyeen Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in siweyn ugu soo horjeedaan safarka uu ku aaday Kismaayo iyo ka qayb galka munaasabadii caleema saarka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka dhacday sidoo ay kala taliyeen inuu aqbalo dalabka dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana uu ka baaqdo safarka Kismaayo balse war uu ka diiday.

Xildhibaanadan sixiixay mooshinka ka dhanka ah Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland in maamulka haadaan uu ka tuuray sidoo kale taladii iyo go,aamadii lagu maamulayay Puntland uu gacanta ugeliyay koox mucaarad qaran dumis ah sida warka ay udhigeen Golaha baarlamanka Puntland.

Tirada Xildhibaanada Puntland ee Mooshinka saxiixday ayaa waxay ku sheegeen inay gaarayaan 54 Xildhibaan inta hartayna waxay sheegeen in bari ama saadambe mid kood ay saxiixi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mudanayaashan ka tirsan golaha baarlamanka Puntland oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sidoo kale Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ku eedeeyay inuu ku biiray kooxda diidan qaranimada Soomaaliya sidoo kale uu diiday inuu la shaqeeyo Dowladda federaalka Soomaaliya sidaas awgeed awoodii shalay ugu codeeyeen haddana xilka ugu qaadayaan.

Wararka aan ka helayno golaha baarlamanka Puntland ayaa sheegaya in Siciid Cabdulaahi Deni kaliya la sugayo inuu yimaado xafiiskiisa ka dibna loogu yeeri doono xarunta golaha baarlamanka ka dibna cod loo qaadayo sidaasna uu ku bixi doono Siciid Cabdulaahi Deni.

Trending

Exit mobile version