Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Puntland oo u hanjabay Al Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa waxaa uu ka hadlay dilkii maanta Magaalada Boosaaso loogu gaystay Madaxii Shirkadda DP World ee dekadda Boosaaso, Paul Anthony fermosa. Siciid Deni ayaa sheegay in arrinta Dilka ah ee ninkan ajanabiga ah dartiis Al shabaab ka shalayn doonaan sida ugu […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa waxaa uu ka hadlay dilkii maanta Magaalada Boosaaso loogu gaystay Madaxii Shirkadda DP World ee dekadda Boosaaso, Paul Anthony fermosa.

Siciid Deni ayaa sheegay in arrinta Dilka ah ee ninkan ajanabiga ah dartiis Al shabaab ka shalayn doonaan sida ugu dhaqsiyaha badana ay uga howlgalayaan deegaanada Al shabaab kaga suganyihiin Maamulka Puntland.

Dilkii maanta loogaystay Paul Anthony fermosa ayaa waxaa sheegtay Ururka Al shabaab ka dib howlgal Ciidamada Puntland ay ka sameeyeen Boosaaso waxay Saxaafadda u soo bandhigeen nin dhalinyaro ah oo sheegaya in labo maalin kaliya uu ku saganyahay Magaalada Boosaaso kana yimid Gobolka Baay kana dambeeyey dilkii saaka Paul Anthony fermosa loogu gaystay Magaalada Bkosaaso.

Ninkan oo dhaawac ah ayaa hadda ciidamada waxay ku hayaa Isbitaalka Boosaaso wuxuuna sheegay mar uu hadlay in Seddax nin ay ka koobnaayeen markii ay dilka fulinayeen balse labadii kale ay ka baxeen Magaalada asaguna arrimo ugaar ah ugu haray saaxiibadiis sidaasna Ciidamada ay ku soo qabteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version