Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Puntland oo u duulay Kismaayo
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo qaar ka mid ah Xilshibaanada labada aqal ayaa saaka ka duulay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland una duulay magaalada Kismaayo waxayna ka qayb galayaan munaasabada Axmed Madoobe lagu caleema saarayo ka dib markii dowladda fasaxday safarka siyaasiyiinta ee magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa islamaanta Muqdisho ku duulaya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxayna aadayaa Kismaayo sida aan wararka ku helnay.
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wax ka bedelay hab dhaqanka siyaasiyiinta mucaaradka ah iyadoo la,isku raacay in loo fasaxo si dhiiqada siyaasadeed lugaha ulasii galaan sida uu inoo sheegay mid ka mid ah siyaasiyiinta ku nool Muqdisho.
Horay waxaa Kismaayo ujoogay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweyniyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Dhamaan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa waxaa fasaxday dowladda federaalka Soomaaliya sida aan xogta ku helnay.