Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Puntland oo xaalad adag wajahaya
Wixii ka dambeeyay xilka qaadistii qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka Puntland ay ku sameeyeen Gudoomiyaha baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni soo food saaray culays kaga yimid dhinaca hogaanada qabaa,ilka iyagoo siweyn udiidan talaabada ay qaadeen mudaniyaasha baarlamanka Puntland.
Dibad baxyo balaaran ayaa shalay waxay ka kala dheceen magaalooyinka Garowe laas-caanood iyo Badhan oo ka kala tirsan gobolada Nugaal iyo Sanaag ka dib go,aankii baarlamanka Puntland ay gaareen waxaana dibad baxyadaas dhigayay shacabka ku mool magaalooyinkaas iyagoo diidan xil ka qaadistii Gudoomiyaha baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed.
Xalay iyo maantaba Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacay kulan udhexeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed ka soo jeeda gobolka Sanaag oo deegaan ahaan uu ka soo jeeda Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed waxayna Madaxweynaha kala hadleen in go,aanka baarlamanka uu ka laabto Madaxweynahana uu ku dhawaaqo arinkaas haddii kale iyaguna go,aan kan ka weyn ay qaadan doonaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka biya diiday in laga laabto go,aanka baarlamanka sida ay u gaareena waxba laga bedelayn loona baahan yahay in ay la yimaadaan shaqsigii bedeli lahaa Gudoomiyaha kalsoonida baarlamanka kala laabteen.
Kulankaas u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni,Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ku soo idlaaday is afgaranwaa sida aan warkan ku helnay uu sheegayo.
Dhinaca kale wax garadka iyo siyaasiyiin hadda ku sugan gobolka Sanaag ayaa ku goodiyay haddii Madaxweynaha Puntland uu ka laaban waayo go,aankiisa iyaguna ka go,ayaan Puntland kuna biirayaan Soomaaliland.