Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Qaranka oo saxiixay Sharci muhiim ah

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Sharciga dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Soomaaliya ka dib markii sharcigan muddo uu hor yaalay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dhibaatada uu musuqmaasuqu ku hayo dowladnimada iyo horumarka dalka isaga oo xusay in sharcigan uu horseedayo dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa kuwaas oo u xilsaaran ka hortagga iyo xakamaynta musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya.

“Musuqmaasuqu waa cudur kansarka ka daran. Maxaa yeelay kansarku qof qura ayuu dilaa, laakiin musuqmaasuqu bulshada oo dhan ayuu dilaa. Waxaan rajaynaynaa in xubnaha Guddiyadan la soo xulayo ay noqdaan dad ku tilmaaman dhaqan wanaagsan, diin iyo waddaniyad”ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Wasiirrada Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan dadkii qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay doorkii ay ku lahaayeen tifaftirka iyo dhammaystirka Sharciga.

“Dowlad wanaaggu waa wax dowladda laga rabo, waa nagu waajib in aan hagaajinno heerarka kale duwan ee Dowladda waa xaqiiq in hal mar aan la wada sixi karin wax walba maadaama dalku muddo dheer burbursanaa oo ay abuurmeen dhaqanno xun, marka in dhaqankaas iyo hab-fekerka bulshada la beddelo ayaan rabnaa”ayuu markale yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbayntii munaasabadda ku saxiixay Sharciga dhismaha Guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ku salaysan qodobka 111-aad ee Dastuurka kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version