Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland iyo Safiirka midowga Yurub oo kulan wada qaatay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midawga Yurub u qaabilsan dalalka Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Hargaysa.
Kulanka dhaxmaray Muuse Biixi iyo Safiirka midowga Yurub ayaa Nicolas Berlanga ayaa waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiriidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Soomaaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa sidoo kale waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Soomaaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliland.
Ugu danbayntiina madaxweynaha Soomaaliland oo kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.