Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo aflagaadeeyay Madaxda Qaranka+Sawiro
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa halkaas waxaa si qiiro ku jirta uga soo dhaweeyay shacab weynaha ku nool Magaalada Hargaysa ka dib markii uu ka soo duulay Magaalada Addis Ababab ee xarunta dalka Ethiopia ka horna ka yimid Magaalada […]
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa halkaas waxaa si qiiro ku jirta uga soo dhaweeyay shacab weynaha ku nool Magaalada Hargaysa ka dib markii uu ka soo duulay Magaalada Addis Ababab ee xarunta dalka Ethiopia ka horna ka yimid Magaalada Conakry ee caasimadda dalka Guinea ka dib markii safar muranban dhaliyay uu ku tagay Jamhuuriyadda Guinea.
Muuse Biixi Cabdi ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda Qaranka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ka dib markii dalkii habmaamuuska madaxweyne usameeyay xiriirka ujartay Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya wadanka Guinea wuxuuna aflagaadeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre wuxuuna ku tilmaamay hadaladii ay jeediyeen iyo xiriirkii loo jaray Guinea in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre sidii Dameer Ciyay oo kale warkooda udhigmayo.
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu sheegay haddii loo baahdo in dagaal ku qaadayaan Madaxda Qaranka Soomaaliya ka dib markii sida uu sheegay ka hor istaageen rabitaankooda sidoo kale wadamo sida Guinea oo kale ah ay tegi doonaan sidii loogu soo dhaweeyay Guinea si lamid ah loogu soo dhaweyn doono.
Maanta Magaalada Hargaysa ayaa waddooyinkeeda hareerahooda lagu tixay Calanka Maamulkaas iyo kan wadanka Guinea iyadoo shacabka Soomaaliland soo dhaweyntaas ka sokow ku dhawaaqayay ereyada hanoolaado Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha wadanka Guinea Alpha Conde iyo kuwo kale.
Caradan iyo Aflagaadada ka imaanaysa madaxda Maamulka Soomaaliland ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirkii Diblomaasiyadeed ay ujartay Jamhuuriyadda Guinea ee habmaamuus madaxweyne usameeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.