Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo gaaray Dubai
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo wafdi uu horkacayo ayaa caawa gaaray Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta. safarkan Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa ay ku gaareen Dubai ayaan wax badan laga ogeyn waxaase Wararka uu helayo Wargayska Tusmotimes uu sheegayaa in Muuse ay u yeereen Madaxda Dubai. Uyeeritaanka looga yeeray Dubai Muuse ayaa […]
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo wafdi uu horkacayo ayaa caawa gaaray Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta.
safarkan Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa ay ku gaareen Dubai ayaan wax badan laga ogeyn waxaase Wararka uu helayo Wargayska Tusmotimes uu sheegayaa in Muuse ay u yeereen Madaxda Dubai.
Uyeeritaanka looga yeeray Dubai Muuse ayaa wuxuu la xiriiraa Khilaafka ka dhax abuurmay Maamulkiisa iyo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai islamarkaana ka howlgasha dekadda Berbera ee Soomaaliland.
Khilaafka Shirkadda DP World ee imaaraadka Carabta iyo Maamulka Soomaaliland ayaa wuxuu salka ku hayaa habka shaqo ee Shirkadda.
Horey waxaa Dubai utagay dhawaan ku xigeenkiisa Saylici iyo wafdi uu hogaaminayey waxayna isla arrintan ka soo wada hadleen Madaxda Dubai.