Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo ka soo laabtay Addis Ababa
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland oo dhawaan safar shaqo ku tagay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulana la soo yeeshay Ra’iisul wasaaraha itoobiya Dr Abiy Axmed iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Shacabka Soomaali State ahna Wasiirka Maaliyadda itoobiya Dr Axmed Shide ayaa maanta ka soo laabtay safarkaas. Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa ayaa […]
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland oo dhawaan safar shaqo ku tagay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulana la soo yeeshay Ra’iisul wasaaraha itoobiya Dr Abiy Axmed iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Shacabka Soomaali State ahna Wasiirka Maaliyadda itoobiya Dr Axmed Shide ayaa maanta ka soo laabtay safarkaas.
Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn waxaa usameeyey shacabka Gobolka Awdal wuxuuna Madaxweyne Biixi ugu mahadceliyey shacabkaas soo dhaweynta wanaagsan ee ay usameeyeen asaga iyo wafdigiisa.
“Waxa aan u mahadcelinayaa shacabka gobolka Awdal sidi qiimaha lahayd ee ay noogu soo dhaweeyeen guud ahaan gobolka Awdal iyo deegaamadiisaba”ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland.
Safarkii Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga uu hogaaminayey ay ku gaareen Addis Ababa ee itoobiya isla markaana shirar la soo yeeshay madaxda dalkaas ayaa wuxuu ku saabsanaa sidii Maamulka Soomaaliland iyo dowladda dhexe loo wada hadal siin lahaa.
Waxaana gunaanidkii la,isku raacay in ay wada hadlaan oo ay kulan wada yeeshaan Muuse iyo Farmaajo xiliga ay noqotaba.