Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliland oo ka tacsiyadeeyay geerida Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo ka shacbiga Soomaaliland wuxuu dhambaal tacsi ah u diray ciidamada kala duwan ee Soomaaliland gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland waxgaradka waayeelka,aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Soomaaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019 Caasimada Soomaaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas. Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Trending

Exit mobile version