Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliland oo sagootin u sameeyay Gudigii hore ee Doorashada

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay gudigii hore ee doorashooyinka Soomaaaliland ee dhawaan xilkii ku wareejiyey Gudiga doorashooyinka cusub ee Soomaaliland isla markaana xilka la wareegay Gudiga Cusub.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaan xubniha gudigii doorashooyinkii hore ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi ay soo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka shaqo usoo guteen.

Madaxweynaha ayaa xubnahii hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada waxaana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda u qabteen gudiga.

Ugu dambayntii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu xubnaha Gudiga doorashooyinka uu guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahdcelin ah oo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda reer Soomaaliland u hayeen.

Trending

Exit mobile version