Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo maanta Dhiig Shubay
Madaxweynaha Maamulka gooni-ugoosadka ah ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta laga shubay Dhiig ka dib markii Maamulkaas uu fahmay baahida loo qabo Kaydinta Dhiiga lagu keediyo Xarumaha Caafimaadka si aan udhicin in qofna loo waayo nooca Dhiig ee uu ubaahan yahay. Olole Madaxda Soomaaliland ay ka galeen ka hortagida artintan ee Bulshada Soomaaliland in […]
Madaxweynaha Maamulka gooni-ugoosadka ah ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta laga shubay Dhiig ka dib markii Maamulkaas uu fahmay baahida loo qabo Kaydinta Dhiiga lagu keediyo Xarumaha Caafimaadka si aan udhicin in qofna loo waayo nooca Dhiig ee uu ubaahan yahay.
Olole Madaxda Soomaaliland ay ka galeen ka hortagida artintan ee Bulshada Soomaaliland in badan ujeediyeen Hay’adaha Maamulkaas ayaa maanta waxaa ku dhowaaqay in labilaabo hirgalinta ololaha Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dibna waxaa laga shubay Madaxweynaha Dhiiggii uga horeeyay ee lagu bilaabo Kaydinta Dhiiga xarumaha Caafimaad.
Madaxweynaha Maamulkaas ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in hadda ay ka gudbeen caqabadihii horay ujiray ee ahayd in mararka qaarkood qof bukaan ah ee loo baahday in lagu shubo Dhiig loo waayo nooca Dhiig ee lagu shubilahaa.
Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa Mudane Muuse Biixi Cabdi”si,aan uga gudubno,in maalinwalba qof dhimanaya suuqa uga raadinno dhiig lagu badbaadiyo,laga bilaabo maanta dalkeenu wuxuu yeelan doonaa kayd dhiig oo noqon doona adeeg caafimaad oo laga helo Cusbitaalada dalka. Muwaadiniinta waxa aan ugu baaqayaa inay ka qaybqaataan ololahaas”ayuu ku soo xiray hadalkiisa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.