Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo ogolaaday in dowladda dhexe ee Soomaaliya la shaqeeyo
Wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu u jeediyey in si rasmi ah uu ula shaqeeyo Dowladda dhexeeya ee Soomaaliya. Is, afgaradkan ayaa waxaa lagu sheegay in looga danleeyahay si loo dedejiyo xal buuxana loogu helo wada hadalada […]
Wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu u jeediyey in si rasmi ah uu ula shaqeeyo Dowladda dhexeeya ee Soomaaliya.
Is, afgaradkan ayaa waxaa lagu sheegay in looga danleeyahay si loo dedejiyo xal buuxana loogu helo wada hadalada labada dhinaca Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.
Muuse Biixi ayaa la sheegayaa in uu ogolaaday in si kalsooni ay ku jirto uu ula shaqaynayo Dowladda federaalka Soomaaliya kana aqbalay dalabka Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ee ah in uu ka shaqeeyo qaabkii ay u wada hadli lahaayeen asaga iyo Dowladda dhexeeya ee Soomaaliya sidaas awgeed uu la shaqaynayo dowladda Soomaaliya.
Haddaba waxaa Arrintan war ka soo saaray Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed wuxuuna ku sheegay warkiisa kulankii ay wada yeesheen asaga iyo Muuse Biixi iyo sheekadii dhexmartay iyo gunaanidkii shirka in uu ku soo idlaaday Isfahan.