Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliland oo sheegay in Guinea wajahayso cadaadis

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland oo dhawaan booqasho ku tagay caasimadda Jamhuuriyadda Guinea ee Conakry ayaa maanta dub ugu laabtay Magaalada Hargaysa wuxuuna sheegay in booqashadiisii wadankaas dhibaato weyn u keentay ka dib markii madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ka caroodeen habmaamuuska wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Magaalada Conakry ka dibna dowladda Soomaaliya […]

Published

on

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland oo dhawaan booqasho ku tagay caasimadda Jamhuuriyadda Guinea ee Conakry ayaa maanta dub ugu laabtay Magaalada Hargaysa wuxuuna sheegay in booqashadiisii wadankaas dhibaato weyn u keentay ka dib markii madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ka caroodeen habmaamuuska wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Magaalada Conakry ka dibna dowladda Soomaaliya xiriirkii Diblomaasi ujartay Jamhuuriyadda Guinea.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa umahad celiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Guinea Alpha Conde sida habmaamuuska leh ee uu usameeyay asaga iyo wafdigiisa ee ay ugu soo dhaweeyeen Magaalada Conakry intii ay ku sugnaayeen Magaaladaasana kulamo kala duwan ay yeesheen Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde iyo Golahiisa Wasiirada ayna u sheegeen in ay yihiin dad aqoon raadis ah doonaya in Soomaaliya ay ka go,aan.

Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in Alpha Conde wax yaabo badan isku afgarteen haatana ay ka rajaynayaan inay fulaan arimihii ay ka wada hadleen.

 

Waxaa kaloo uu sheegay Muuse Biixi in wadamo uu ka mid yahay Talyaniga wadanka Guinea ku hayaan cadaadis xoog leh iyadoo lagu cadaadinayo Madaxweynaha Wadankaas Alpha Conde inuu raalingelin ka bixiyo habmaamuuska iyaga loo sameeyay iyadoo la raaligelinayo dowladda federaalka Soomaaliya sida maanta usheegay Muuse Biixi Cabdi shacab weynihii ku soo dhaweeyay Magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa intaas warkiisa ku daray inay aad ugu naxeen markii ay arkeen in dowladda federaalka Soomaaliya ujartay xiriirka Diblomaasi wadanka Guinea iyaga dartood wuxuuna ku tilmaamay tallaabadaas wax aad looga bxumaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version