Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo Tacsi udiray Shacbiga Soomaaliland
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi udiray Goliyaasha Wakiilada,Guurtida,Odayaasha Aqoonyahanka,ehelka Siyaasiyiinta iyo Shacbiga Soomaaliland ka dib Geeridii Deg-Dega ahayd ee maanta ku timid Marxuum Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (Maayakharij) oo ka mid ahaa Baarkamanka Maamulkaas ee ku geeriyooday Magaalada Hargaysa. Tacsida uu diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu bilaabay. INNAA LILLAAHI […]
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi udiray Goliyaasha Wakiilada,Guurtida,Odayaasha Aqoonyahanka,ehelka Siyaasiyiinta iyo Shacbiga Soomaaliland ka dib Geeridii Deg-Dega ahayd ee maanta ku timid Marxuum Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (Maayakharij) oo ka mid ahaa Baarkamanka Maamulkaas ee ku geeriyooday Magaalada Hargaysa.
Tacsida uu diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu bilaabay.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Tacsi Madaxweyne: 13/01/2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 13/01/2019, Magaalada Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka, wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada Axmed Xaashi Cabdi oo uu aabbihii ahaa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mida tiirarkii lagu aas-aasay golaha guurtida Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.