Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliland oo u duulay Addis Ababa
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay dalka Itoobiya ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed. Safarka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ku qotomaa is,araga Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Laakiin Warkan war ka duwan ayaa waxaa saxaafadda u sheegay wasiirka Arrimaha […]
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay dalka Itoobiya ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.
Safarka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ku qotomaa is,araga Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Laakiin Warkan war ka duwan ayaa waxaa saxaafadda u sheegay wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Maamulka Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) waxaa uu sheegay in ujeedada safarka Madaxweyne Biixi uu ka duwan yahay sida saxaafadda ay u dhigaan.
“Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri wasiirka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay ineysan jirin masuuliyiin dalal kale oo Madaxweyne biixi u qorshaysan inuu kula kulmo dalka Itoobiya.
Balse Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Addis ababa ay kulan ku yeelan doonaan Madaxweynaha Farmaajo oo ku sugan Jabuuti kuna wajahan Addis ababa iyo Madaxweyne Biixi, waxaana kulankan garwadeen ka ah Raisul Wasaaraha Itoobiya.