Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed Baydhabo kulan kula qaatay Daawo Sawirada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay Duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ka dib Caleema-Saarkii Madaxweyne Lafta Gareen. Odayaasha ayaa Madaxweynaha waydiiyey dhoor su,aalood oo ku saabsan rabshadiihii ka dhacay Baydhabo,Xaragii Roobow,kaalintii Dowladda ay ku lahayd arumahaas iyo kuwo kale. Madaxweynaha ayaa ka qanciyey Odayaasha dhaqanka tabashada ay hor dhigeen […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay Duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ka dib Caleema-Saarkii Madaxweyne Lafta Gareen.
Odayaasha ayaa Madaxweynaha waydiiyey dhoor su,aalood oo ku saabsan rabshadiihii ka dhacay Baydhabo,Xaragii Roobow,kaalintii Dowladda ay ku lahayd arumahaas iyo kuwo kale.
Madaxweynaha ayaa ka qanciyey Odayaasha dhaqanka tabashada ay hor dhigeen Ofayaasha ayaa ku qancay Jawaabta Madaxweynaha uu ka siiyey Su, aalihii ay waydiiyeen.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoona u soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.
Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda guud ee deegaannada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, iyagoo la wadaagay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay qabaan dib u xoreynta degmooyinka wali ku jira gacanta argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada tashi iyo is-xog waraysi ah la yeelanaya Hoggaanka iyo waxgaradka deegaanka.