Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray South AFRICA+Sawiro
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka dib markii dhigiisa ee South Africa Matamela Cyril Ramaphosa uu ka helay warqad casuumaad ah oo ku saabsan caleema-saarkiisa. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Johannesburg ku soo dhaweeyay Madaxweynaha caleema saarkiisa loogu qul-qulayo Magaalada Pretoria […]
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka dib markii dhigiisa ee South Africa Matamela Cyril Ramaphosa uu ka helay warqad casuumaad ah oo ku saabsan caleema-saarkiisa.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Johannesburg ku soo dhaweeyay Madaxweynaha caleema saarkiisa loogu qul-qulayo Magaalada Pretoria ee beri magaaladaas lagu qabanayo Munaasabadiisa Matamela Cyril Ramaphosa iyo qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada South Africa.
Madaxweynaha ayaa maalinta berri ah waxaa uu magaalada Pretoria kaga qeyb galayaa caleema saarka Madaxweynaha dalka South Africa Matamela Cyril Ramaphosa ka dib markii Ramaphosa uu ku guulaystay xilka Madaxweyne ee dalkiisa doorashadii ka dhacday South Africa.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa inta ay ku sugan yihiin dalka South Africa ayaa waxay la kulmi doonaan Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee degan Magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg ee dalka South Africa.