Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo jeediyay Khudbadiisa QM
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa caawa magaalada New York ee xarunta QM ee dalka Maraykanka ka jeediyay khudbadiisa ee Shirka Golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobe wuxuuna kaga hadlay arimo farabadan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ugu horayn khudbadiisa ku bilaabay umahad celinta Golaha amaanka ee QM iyo Midowga africa gaar ahaan wadamada Ciidamada ka joogaan Soomaliya doorka lama ilaabaanka ah ee xasilinta Soomaaliya ugu qayb qaateen sidoo kale Ciidamada AMISOM howsha ay ka hayaan Soomaaliya ay tahay mid ay ugu mahad celinayaan.
Intaas ka dib Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan amniga wuxuuna sheegay in wadanka hadda uu soo hagaagayo xagga amniga dhaqaalaha Caafimaadka iyo waxbarashada balse dagaal xooggan wali kula jiraan Kooxaha Al shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya ka dagaalama iyadoo intaas warkiisa ku daray in Ciidamada Qaranka dhabarka ka jebiyeen Al shabaab kuwa daacishna awood sidaas ubuuran ku lahayn dalka balse koox u,adeegtay ku leeyihiin dalka Soomaliya iyagoo leh qatartooda.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha wuxuuna shewgay in dhibaatadaas ka jirto Soomaaliya dowladda uu hogaamiyo ku talajirto sidii wax ugu qaban lahad arimahaas iyo kuwo kale.
Dhinaca kale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo hadal qaaday dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya wuxuuna sheegay in asaga iyo Uhuru Kenyatta ay isku afgarteen in dacwada loo daayo Maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ka dib markii kulan dhax dhaxaadiye uu ka ahaa Gudoomiyaha midowga Africa Cabdulfataax Al-sisi ahna Madaxweynaha dalka Masar ku dhaxmaray New York.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadeeyay mowqifka ay ka taagan yihiin arimaha badda wuxuuna cadeeyay Madaxweynaha in habayaraatee wax gorgortan ah ka galaynin arimaha dacwada Badda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed-na isku aragti ka qabaan in iyaga iyo Kenya ku kala baxaan Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ.
Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu sheegay inay ka wadahadleen soo celinta xiriirka labada dowladood xagga dublamaasiyada iyo is dhaxgalka labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya arintaas oo isku raaceen in gudi loo xilsaaro sidii loogu mira dhalin lahaa.