Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka aamusay qaraxyadii Xamar

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Farmaajo ayaa waxaa uu muqdisho ku soo laabtay 28-2-2019 galbkeedii wuxuuna ka soo laabtay safarkii shaqo ee uu ku aaday dalka Qadar habeenkii uu ku soo hoyday Xamar waxaa ka dhacay labo qarax oo dhiig badan ku baxay. Waxayna ka dhaceen wadada Makah Al Mukaramah waxaana weeraradaas lagu qaaday labada dhismo […]

Published

on

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Farmaajo ayaa waxaa uu muqdisho ku soo laabtay 28-2-2019 galbkeedii wuxuuna ka soo laabtay safarkii shaqo ee uu ku aaday dalka Qadar habeenkii uu ku soo hoyday Xamar waxaa ka dhacay labo qarax oo dhiig badan ku baxay.

Waxayna ka dhaceen wadada Makah Al Mukaramah waxaana weeraradaas lagu qaaday labada dhismo ee kala ah Makah Al Mukaramah iyo Hilaac UK.

Koox hubaysan oo Al shabaab ah ayaa fuulay dhismiyaashaas waxaana Ciidamada amaanka kula dagaalamayeen kooxdaas 18 saacadood sidii looga saari lahaa.

Waxaa ku dhintay 50 qof halka dhaawaca uu gaarayo 70 ruux dhamaan waa shacab dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka rayidka ah.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mas,uul ah shacabkaas la xasuuqay ilaa hadda wuu ka aamusan yahay.

Dadbadan oo dalka iyo dibadiisa ku nool ayaa isweydiinaya sababta Madaxweynaha ugu hadli waayey dhibaatada loo gaystay shacbkiisa.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano oo ka hadlay ka aamusnaanta Farmaajo wixii ka dhacay Muqdisho ayaa waxay sheegeen haddii Madaxweynaha sidaan ugu sii aamusnaado xasuuqii Al shabaab ee shacabka Muqdisho in taageero farabadan oo ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed Madaxweyne Farmaajo uu lumin doono.

Dhinaca kale Farmaajo waxaa lagu dhaliilay in shacabka Soomaaliya uu ka jecel yahay shacabka wadamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya oo markii ay wax ka dhacaan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu tacsiyadeeyo dhabaatadii soo gaartay shacbkiisana uu ka aamusan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version