Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uga horaysay ka hadlay Mooshinkii laga soo gudbiyey dhamaadkii sanadkii hore
Madaxmed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay soo xiray Kal fadhigii afaraad ee Golaha Baarlamanka Aqalka hoose ka dib munaasabad kulankaas lagu soo xirayey oo ka dhacday Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey xafladaas ayaa waxaa uu sheegay in sanadkan cusub shaqada uga horaysay uu […]
Madaxmed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay soo xiray Kal fadhigii afaraad ee Golaha Baarlamanka Aqalka hoose ka dib munaasabad kulankaas lagu soo xirayey oo ka dhacday Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey xafladaas ayaa waxaa uu sheegay in sanadkan cusub shaqada uga horaysay uu qabanayo uu ka bilaabi doono xalinta Khilaafka udhexeeyey labada Gole ee Baarkamanka Aqalka sare iyo Aqalka hoose ka dib markii Golaha Aqalka sare ay sheegeen in wada shaqayntii Golaha Aqalka sare ay lalahaayeen Golaha Aqalka hoose joojiyeen.
Madaxweyne farmaajo ayaa sidoo kale taabtay sababta looga ceeriyey dalka Wakiilkii Xoghayihii QM ee arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom waxaana uu sheegay Madaxweynaha in ay ka caroodeen War hadda ka hor uu sheegag Nicholas Haysom oo ahaa Muqdisho Soomaaliya ma,ahan Soomaaliyana Muqdisho manoqonayso iyo Warbixintii la xixijrtay arintii Baydhabo ee uu soo saaray taasoo uu sheegay in ay baalmarsaneed arimaha Dublamaasiyadda.
Intaas ka dib Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka hadlay arintii Mooshinka ee 9kii bishii December ee sanadkii hore qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka ay ka soo gudbiyeen Madaxweynaha Mooshin xil ka qaadista ahayd.
Waxaana uu u dhigay ka jwaabida qaab kaftan ah laakiin runta udhow ama si ulaka kac ah uu usheegayey Madaxweynaha wuxuuna Khudbadiisa aad ugu dhaliilay Xildhibaanadii Mooshinkaas ka keenay waxaa kaloo uu cadeeyey cida ka dambaysay iyo sida asaga iyo Gudoomiyaha uwajaheen arintaas.
Wuxuuna yiri”Gudoomiye Caawa waa Kaftamaynaa,Gudoomiyaha markii uu mooshinka qabtay ayaan soo wacay, waxaan xiri Gudoomiye mooshin baad qabatee see wax yihiin, waxuu igu yiri mooshinka wuu ihor yaalaa waana tiradaas waxaana ku iri waayahee yaa ka dambeeya mooshinka, waxuu igu yiri waxaa soo gudbiyay dad walaalahaa ah oo la yiraahdo Qabyo, waxaan ku iri ma Qabyadii aan isla ogeyn baa , haa buu yiri, waxaan ku iri bal fiiri Warqada Qabyo wax walbo haaf haaf ayey uga tagaanee amuu mooshinka haaf yahay, markii uu warqada dib u fiiriyay Gudoomiyaha waxa uu arkay saxiixyo la saxiixay 2017-kii tuhunka la qabana uu yahay 2018-ka dhamaadkiisa, waxaan ku iri saxiixyadan waa mid hore sidee isku waafaqayaan mooshinka hada , waxa uu igu yiri waxa ay arkayeen waxa hada soo socda sanad kadib, waxuu ii sheegay gudoomiyaha in saxiixyada aysan waqti laheyn sidoo kale mooshinka dadka saxiixay ku jiraan kuwa dibadaha ku xanuunsan aan la socon waxa socda, waxaan ku iri waxaana waa qabyee maxaa laga damacsan yahay, waxa uu igu yiri horey waxa ay u yiraahdeen Qabyo ninkeeda dhameestira, waxaan ku iri waa runee Qabyo ninkeeda dhameestira soo ma aheyn 2016-kii waxa uu igu yiri mayee waa 2019” Ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale isaga uu dhaliil ujeedinayey Xildhibaanada Qabyo waxa uu sheegay in ujeedka Mooshinka u gudbiyeen ay aheyd in ay rabaan in lagu daro Guddiga Hanti soo celinta, sidoo kale ay rabaan in ay sharafka umada soo celiyaan.
”Waxaa ku iri Gudoomiyaha Xildhibaanada Qabyo maxey rabaan, waxa uu yiri waxa ay rabaan in lagu daro guddiga hanti soo celinta oo iyagu maamulaan, waxa ay rabaan in ay ka shaqeeyaan isku soo dhawaanshaha shacabka iyo dowlada,waxa ay rabaan in dhameestir ku sameeyaan wax alaale waxii heshiisyo horey u jiray,waxa ay rabaan buu yiri in ay ka shaqeeyaan hufnaanta dhaqaalaha , waxa ay rabaan buu yiri in ay ka shaqeeyaan mushaar bixinta ,tan ugu dambeysa waxa ay rabaan buu yiri in ay soo celiyaan sharafta umada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Qaabkan Madaxweynaha xalay uu uga hadlay arintii Mooshinkii ayaa Siyaasiyiinta ku kala aragti duwanyihiin qaar ku taageeray hadka Madaxweynaha in uu ahaa mid ku haboonaa in sidaas uu udhigo Madaxweynaha iyo qaar ka soo hor jeestay oo aad uduray hadalka Madaxweynaha in sidan uhadlo laga haboonaa ayey ukala jabeen Siyaasiyiinta Soomaaliya.