Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uga horaysay ka hadlay shirka shidaalka Soomaaliya ee Lodon
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay kulan looga doodayey arrimaha garsoorka kana dhacay Magaalada Muqdisho ayaa markii uga horeysay soo hadal qaaday Wararka maal mahaanba la,isla dhexmarayey ee ku aadan xaraashka Shidaalka Solmaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in warkaas in ay ka dambeeyeen Siyaasiyiin Mucaarad ah oo doonaya in […]
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay kulan looga doodayey arrimaha garsoorka kana dhacay Magaalada Muqdisho ayaa markii uga horeysay soo hadal qaaday Wararka maal mahaanba la,isla dhexmarayey ee ku aadan xaraashka Shidaalka Solmaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in warkaas in ay ka dambeeyeen Siyaasiyiin Mucaarad ah oo doonaya in ay dumiyaan Qaranka iyo nidaamka dowladnimo ee hadda Soomaaliya ka hana qaaday.
Su,aalo la waydiiyey Madaxweynaha oo ku saabsanaa shirka Lodon iyo waxa looga hadlayo ayaa been abuur iyo wax aaney waxaa ka jirin ku tilmaamay in shidaal dhul soomaaliyeed ah oo shirkaas lagu beecinayo ama looga arinsano ujeedka shirka ujsan ahayn.
Madaxweymaha ayaa sidoo kale sheegay in la yiraahdo Shidaalka Soomaaliya ayaa la xaraashayaa in ay ka dambeeyaan Siyaasiyiin uu ku tilmaamay kuwo Xanaaqsan oo qaran dumis ujeedkooda uga weyn uu yahay.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in aysan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashao balse shirka London lagu soo bandhigayo xogta 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisa shirkada Spectrum.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta xanaaqsan ay doonayaan in dib u dhac lagu sii jiro, waxa uuna xusay in dadka jahwareerinayaan una sheegayaan waxaan jirin sida uu tilmaamay Madaxweynaha.
Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay sheegayaan in shirka maanta ka furmay magaalada London lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya.