Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Atul Khare+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ee Viila Soomaaliya ku qaabilay u qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgalada QM Xoghaya Guud QM Atul Khare. Madaxweyne Farmaajo iyo Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya dadaalka dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay QM ka wado Soomaaliya. […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ee Viila Soomaaliya ku qaabilay u qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgalada QM Xoghaya Guud QM Atul Khare.

Madaxweyne Farmaajo iyo Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya dadaalka dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay QM ka wado Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u qeybsanaha kala QM hadlay dardargelinta dadaalada Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM si looga mira dhaliyo dagaalka lagu la jiro kooxaha nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo ISIS.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u  jeediyay u qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud QM in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koobaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Xafiisyada Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Atul Khare kala hadlay in dhismayaasha QM ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka.

Dhankiisa Atul Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version