Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Ergayga Midowga Yurub+Sawiro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub ee u qaabilsan Geeska Afrika. Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee Midowga reer Yurub uqaabilsan Geeska Africa Alexander George Rondos ayaa ka wadahadlay arimaha Siyaasadda Amaanka iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyadoo Madaxweyne Farmaajo,Alexander George ugu warbixiyay xaaladda guud […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub ee u qaabilsan Geeska Afrika.
Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee Midowga reer Yurub uqaabilsan Geeska Africa Alexander George Rondos ayaa ka wadahadlay arimaha Siyaasadda Amaanka iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyadoo Madaxweyne Farmaajo,Alexander George ugu warbixiyay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarada Dowladda ay ka gaartay dhinaca Siyaasadda arimaha dibadda iyo xoogaaga kobaca dakhliga ah ee dowladda soo gala.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub Alexander George Rondos ayaa ugu mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya warbixinta guud ee uu ka siiyay xaalada dalka Soomaaliya meesha ay wax umarayaan iyadoo Ergayga amaan iyo bogaadinba ujeediyay horumarada ay ku talaabsanayaan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Wuxuuna intaas warkiisa ku daray Alexander George Rondos in dhankooda Midowga Yurub garab istaag iyo taageero maaliyadeedba ay ku bixinayaan Soomaaliya.
Intaas ka dib ayaa waxaa war saxaafadeed ku qotoma kulankaas laga soo saaray xarunta Villa Soomaaliya.
Muqdisho, Juun 11, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga,siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska Africa.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.
“Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, taageerada hay’adaha garsoorka iyo deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaadanayo.”
Dhankiisa,Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa wuxuuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda.
DHAMMAAD