Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar u,aaday Qaahira

Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Madaxweynaha ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb galaya shir halkaas ay ku leeyihiin Madaxda Africa iyadoo shirkooda uga hadlaya arrimaha cakiran […]

Published

on

Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb galaya shir halkaas ay ku leeyihiin Madaxda Africa iyadoo shirkooda uga hadlaya arrimaha cakiran ee ka taagan dalka Sudan.

Madaxda Africa ayaa shirka qaahira uga arrinsanaya xal ka gaarista qalalaasaha ka taagan dalka Sudan ka dib Afgambigii ka dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Shirkaas ka jeedin doona Khudbad ku saabsan qaabka xal looga gaari karo xaalada dalka Sudan ka taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version