Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya oo si lamafilaan ah uqanciyey Ciidamada+sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta markale kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka ee Janaraal Goordon iyo Taliska Guud ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya isagoo kulamo xog wareysi ah la yeeshay saraakiisha ugu sarreeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo Khudbad u jeedinayey Ciidamada iyo Saraakiisha xukunta ayaa waydiiyey labadii sano ee Madaxweynaha uu […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta markale kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka ee Janaraal Goordon iyo Taliska Guud ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya isagoo kulamo xog wareysi ah la yeeshay saraakiisha ugu sarreeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo Khudbad u jeedinayey Ciidamada iyo Saraakiisha xukunta ayaa waydiiyey labadii sano ee Madaxweynaha uu ka yahay dalka in Ciidamada ay qaateen Mushaarkooda,raashiinka iyo lacagta iidaanka intuba iyo in aaney waxba qaadanin.

Ciidamada iyo saraakiishooda ee ku sugnaa Hoolka uu ka khudbeynayey Madaxweynaha korna dhaafayey Ciidamadaas tiradooda 1500 oo iskuuga jiray Askar iyo saraakiil ayaa Madaxweynaha ka hor qirtay in hal bil xataa lagu lahayn dowladda dhamaan Ciidamada ay qaateen Xuquuqdooda haddii ay ahaan lahayd Mushaarka,lacagta iidaanka ah iyo Raashiinka intuba.

Markale Madaxweynaha ayaa waxaa uu su,aaley in balantii uu ka qaaday Ciidamada ee ahayd in aaney waayin Ciidamada Lacagta,Raashiin iyo rasaas balse iyagu ay ka baxeen balantii ahayd in dalka ay ka sifeeyaan cadowga Al shabaab.

Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa Madaxweynaha hortiisa kaga dhawaaqay in asagu balantii uu ka qaaday Ciidamada uu ka soo baxay balse iyagu aaney ka soo bixin waajibaadkooda shaqo taasoo sabab ay ugu dhigeen farsamo xumo dhacday awgeed Madaxweynahana ay ka raali gelinayaan.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Ciidamada u sheegay in dalkan uu leeyahay cadow farabadan asagoo Madaxweynaha cadowga uu leeyahay dalka u kala qaaday seddax qeybood oo kala ah.

1-Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay qaar ka mid ah wadamada shi-sheeye in ay doonayaan in Soomaaliya sidaan iyo ka sii xun ay ahaato Ciidan leh awood iyo dal jaceyl midna udhismin Soomaaliya.

2-Cadowga labaad ayaa Madaxweynaha wuxuu ku sheegay Al shabaab oo doonaya in amaanka dalka lagu guuleysanin si hadafkooda xagjirka ah ay u,aagaan.

3-Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan kuwo midibka Soomaali ka ah balse Caloosha ka ah Cadow kuwaasoo u,adeegaya wadamada doonaya in Soomaaliya aaney cagaheeda ku istaagin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ciidamada u sheegay in waxaase oo dhan iyagu ay yihiin kuwii dalka ka qaban lahaa kana difaaci lahaa maankoodana ay ku hayaan arrimahaas,dhinaca kale wuxuu u sheegay in bil walba  Mushaarkooda la,siinayo raashiinka,dawooyinka iyo lacagta iidaanka ah u dheertay balse iyagu looga baahan yahay in ay gutaan waajibka shaqo ee ay u dhaarteen.

Kormeerka iyo Khudbad ujeedinta  Ciidamada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay imaaneysaa iyadoo dhawaan qaar ka mid ah guutooyinka Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay sheegeen in muddo lix bilood ah qaadanin wax Mushaar ah islamarkaana soo faaruqiyey fariisimihii ay ku sugnaayeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version