Wararka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya oo si qurux badan looga soo sagootiyey Garowe+sawiro

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya,Ra’iisul wasaaraha Xuukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow,Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo isku hadaf ah ayaa waxay Magaalada Garowe ee maamulka Puntland kaga qayb galeen Shirkii wadatashiga […]

Published

on

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya,Ra’iisul wasaaraha Xuukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow,Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo isku hadaf ah ayaa waxay Magaalada Garowe ee maamulka Puntland kaga qayb galeen Shirkii wadatashiga Soomaaliya ee ay soo qaban qaabiyeen Maamulada xulafada ah ee Puntland,Jubbaland iyo Galmudug iyadoo gogosha uu fudiyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni.

Inkastoo shirkaas uu burburay haddana waxaa looga dooday arimaha siyaasadda,dhaqaalaha,xalinta khilaafka Maamulada seddaxda ah iyo dowladda dhexe waxaana aaqirkii la sheegay in shirka uu ka socon waayey labada Madaxweyne ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Axmed Maxamed Axmed Madoobe.

Haddaba shalay markii arin socon waysay la,iskuna daalay ayaa waxaa si lamafilaan ah Warbaahinta ulahadlay war saxaafadeedna soo kala saaray labada Axmed Galmudug iyo Jubbaland iyagoo sheegay in shirkii Garowe uu fashilmay.

Tallaabada ay qaadeen hogaamiyaasha labada Maamul Jubbaland iyo Galmudug ayaa waxaa la sheegay inuu aad ugu carooday Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo xulafo lahaa labadaas hogaamiye.

Markii dambe labadii hogaamiye ee Galmudug iyo Jubbaland ayaa ka soo dhoofay Garowe kuna laabtay xafiisyadooda Kismaayo iyo dhuusamareeb iyadoo sagoontin ka helen saaxiibkoodii Puntland siciid Deni.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku haray Magaalada Garowe ka dib markii sidoo kale Ra’iisul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay ku soo laabteen Magaalada Muqdisho iyadoo xalay ilaa maanta shir Albaabada uyiranyahay ay ku lahaayeen Madaxtooyada Maamulka Puntland Magaalada Garowe Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Deni.

ilaa hadda lama oga waxay kawada hadleen Farmaajo iyo Deni shirkii dheeraa ee xalay ilaa galabta soo gaaray ee Garowe ay ku yeesheen iyadoo warar si hoose u helay wargayska Tusmotimes uu sheegayo in heshiis cusub oo xulufo ah ay wada gaareen mas,uuliyiintan ku shiray Garowe ee Farmaajo iyo Deni burburkii shirkii wada tashiga ka dib.

Markii soo idlaaday shirkaas ayaa galabta waxaa sagootin wanaagsan loo sameeyey Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ee ku haray Garowe.

Sogootintan oo umuuqatay mid muujinaysa iskaashi cusub iyo heshiis horleh inuu dhaxmaray Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya sidoo kale jawaab u,ah Axmed Madoobe iyo Xaaf ee shirkii Garowe ku dhawaaqay si iskooda ah inuu burburay ayaa sagootinta wafdiga Madaxweyne Farmaajo ka qab qaatay Siciid Deni,ku xigeenkiisa axmed Karaash,saraakiil,Xildhibaano iyo wasiiro dhamaan Maamulka Puntland ka mid ah.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa usoo duulay Magaalada Muqdisho ka dib markii Madaxweynaha uu soo gebagebeeyey kulamadii uu lalahaa Siyaasiyiinta,aqoonyahanada,culimada, bulshada,wasiirada,Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland burburkii shirkii Garowe ka dib.

Mar uu hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa wuxuu soo hadal qaaday shirkii ka dhacay Garowe iyo muhiimadda uu uleeyahay Maamulka iyo shacabka Puntland.

“Runtii waxaa sharaf wayn noo ah inaan halkan ku qabsano shirkan iskaashiga ah ee seddax geesoodka ah oo runtii qayb ka ah geedi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Haddaba War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ayaa waxaa looga hadlay shirkii Garowe iyo aragtada Puntland.

War murtiyeedka laga soo saaray Madaxtooyada Maamulka Puntland laguma soo hadal qaadin burburkii shirkii wadatashiga Soomaaliya ee ka dhacay Garowe iyo war saxaafadeedyadii ay soo saareen Madaxweyniyaasha Galmudug iyo Jubbaland ee ku aadanaa inuu burburay shirkii Garowe.

Sidoo kale laguma xusun in wax heshiis ah lagu gaaray shirkii Garowe iyadoo tani ku tusayso inay wax ka jiraan wararkii burburka shirka ahaa ee ay soo saareen Galmudug iyo Jubbaland.

Hoos ka Akhriso war saxaafadeedka Puntland.

Garoowe, May, 12, 2019: Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed.

Sagootinta waftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, mas,uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo mas,uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version