Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ubax dhigay Taalada SYL ee Muqdisho+sawiro
Taalada SYL ee ku taala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilooyinkii la soo dhaafay dib udayactir ku samaynaysay Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo qarash xoog leh lagu bixiyey dib udayactirka Taaladaas. Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ay wasiirka ka tahay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa howshan ku howlanayd qurxinta iyo bilicda Taalada […]
Taalada SYL ee ku taala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilooyinkii la soo dhaafay dib udayactir ku samaynaysay Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo qarash xoog leh lagu bixiyey dib udayactirka Taaladaas.
Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ay wasiirka ka tahay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa howshan ku howlanayd qurxinta iyo bilicda Taalada SYL.
Haddaba Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa Ubax dhigay Taallada caanka ah ee loogu magacdaray 13 Halgamiyaal ee Soomaaliyeed ee SYL taasoo lagu xasuusanayo sanad guuradii 76-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii Ururkii Dhallinyarada ee gobonnimo doonka ahaa ee SYL ka dib markii la dhameeyey dib udayactirka Taalada SYL.
Munaassbadaas ayaa waxaa ka qayb galay wasiiro,Xildhibaano,saraakiil iyo Siyaasiyiin dhamaan waxay udabaal degayeen muhiimadda ay leedahay xuska Gobonimadii dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Ururkii la aas-aasay 76 sano ka hor 1943 ee SYL.