Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ugu ambabaxay pretoria
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Pretoria ee Caasimadda dalka South Africa ka dib warqad casuumaad ah oo uu ka helay Madaxweynaha cusub ee dalka South Africa Matamela Cyril Ramaphosa. Madaxweyne Farmaajo iyo iyo wafdiga uu hor kacayo ayaa Caasimadda dalka South Africa ee Pretoria kaga […]
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Pretoria ee Caasimadda dalka South Africa ka dib warqad casuumaad ah oo uu ka helay Madaxweynaha cusub ee dalka South Africa Matamela Cyril Ramaphosa.
Madaxweyne Farmaajo iyo iyo wafdiga uu hor kacayo ayaa Caasimadda dalka South Africa ee Pretoria kaga qayb galaya Xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalkaas Matamela Cyril Ramaphosa.
Xaflada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka South Africa Matamela Cyril Ramaphosa ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweyniyaal farabadan oo wadamada Africa ah.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa inta ay joogaan Magaalada Pretoria ee Caasimadda dalka South Africa waxay kulamo kula qaadan doonaan madaxweynaha caleema saarkiis ka qab gelayaan iyo mas,uuliyiinta kale ee South Africa.
Sidoo kale wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Pretoria waxay kula kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa ku nool.