Wararka Soomaalida
Madaxweynaha Turkiga oo la kulmay Arday Soomaali ah+sawiro
Madaxweynaha TurkigaRecep Tayyip Erdogan ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tokat ardayda Soomaalida ah ee wax ka barta jaamacadaha ku yaala Magaalada Tokat ee ku taala bartamaha dalka Turkiga wuxuuna kala hadlay dhinaca waxbarashada intii ay ku jireen wax ka barashada Jaamacadaha ku yaala dalka Turkiga heerka waxbarasho maanta meesha ay ka joogaan. Ardayda Soomaaliyeed ee […]
Madaxweynaha Turkiga
Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tokat ardayda Soomaalida ah ee wax ka barta jaamacadaha ku yaala Magaalada Tokat ee ku taala bartamaha dalka Turkiga wuxuuna kala hadlay dhinaca waxbarashada intii ay ku jireen wax ka barashada Jaamacadaha ku yaala dalka Turkiga heerka waxbarasho maanta meesha ay ka joogaan.
Ardayda Soomaaliyeed ee maanta jaaniska u helay in ay la sheegaystaan Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa waxay u sheegeen in heerkooda waxbarasho meel wanaagsan uu marayo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waydiiyey bal in ay fahmeen ku hadalka iyo qoraalka luuqadda Turkiga waxayna u sheegeen in ay qori karaan ayna ku hadli karaan Afka Turkiga.
Ardaydaas oo iskuuga jiray hablo iyo wiilal ayaa Recep Tayyip Erdogan kula sheegaystay luuqadda Turkiga iyadoo Madaxweynaha uu aad ugu farxay in ardayda Soomaaliyeed ee dalkiisa wax ka barata ay qori karaan kuna hadli karaan Afka Turkiga iyo sida wanaagsan ee ay ugula hadleen Afka Turkiga.
Recep Tayyip Erdogan ayaa kula dar-daarmay ardayda Soomaaliyeed ee maanta la kulmay in iyagoo jaamiciyiin ah oo dhan kasta tacliinta ka dhisan ay ku laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya si ay u anfacaan mustaqbalka Jiilka yar ee Soomaaliyeed.
Dalka Turkiga ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada sida xooggan ay wax ugu bartaan Ardayda Soomaaliya iyagoo inta ugu badan bilaash ama qarash la,aan ah ku barta duruusta kala duwan ee Jaamacadaha dalka Turkiga laga bixiyo.