Wararka Soomaalida

Madaxweyne Biixi oo daah furay Mashruuc balaaran

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliland Biixi Cabdibayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuc ballaaran oo ay leedahay shirkadda SOMPOWER kaas oo koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceeda oo bulshada ku nool deegaanada Soomaaliland wax tar uleh.

Mashruucan oo laga hirgeliyay deegaanka Bacaado ee waqooyiga Hargeysa ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirada iyo saamileyda shirkadda SOMPOWER, ganacsato iyo marti-sharaf kale ayaa furitaanka mashruucan waxaa laga jeediyay hadallo ku saabsan faa’iidada uu mashruucani guud ahaan u leeyahay bulshada xagga shaqo abuurka,daryeelka dhinaca deegaanka iyo baahida loo qabo in bulshada ku dhaqan Hargaysa iyo nawaaxigeeda ka faa,iidaysan doonaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Marwo Edna Aadan Ismaaciil xubno kale oo kamid ah marti-sharaftii madasha ku sugnayd oo halkaas hadallo ka jeediyey ayaa bogaadiyey shirkadda SOMPOWER waxana kula dardaarmeen inay sii wadaan dadaalka ay ku jiraan.

Madaxa shirkadda SOMPOWER Cabdilaahi Cawad Cali oo ugu horrayn munaasabadda furitaanka mashruucan ka hadlay ayaa ku dheeraaday dadaalkii ay shirkaddu usoo martay hirgelinta mashruucan iyo dadaalka ay gelisay in la helo koronto laga dhalinayo tamarta dabiiciga ah ee cadceedda si loo yareeyo kharashkii badnaa ee bixi jiray Korontada gaarka loo leeyahay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID Axmed Xirsi Ducaale ayaa iyaguna dhankooda hambalyeeyay shirkadda mashruucan hirgelisay ee SOMPOWER waxayna ku adkeeyeen inay hoos u dhigaan qiimaha ay macaamiisha ka qaadaan maadaama uu hoos u dhacay kharashkii shirkad ahaan kaga bixi jiray dab-dhalint.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo madasha daah-furka ka hadlay ayaa shaaciyay inuu mashruucani ku fadhiyo siyaasadda xukuumadda uu madaxweyne Muuse Biixi gar-wadeen ka yahay in Soomaaliland laga hirgeliyo mashaariic ku shaqaynaya Tamarta faa,iido weyn oo loo keenay shacabka Soomaaliland ayna ka faa,iidaystaan.

Madaxweynaha Soomaaliland Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyay dadaalka ay samaysay iyo dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay waxana uu ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalkooda.

Madaxweynah ayaa caddeeyay in xukuumad ahaan xil iska saareen hirgelinta suuqa xorta ah (Free market) islamarkaana ay aaminsan yihiin inuu hannaankaasi yahay mid lagu horumarin karo bulshada Soomaaliland lana siiwado arimaha noocaan oo kale ah si horumar wanaagsan loo gaarsiiyo umadda.

Mashruucan oo higelintiisa socday muddo laba sanno iyo bar ah ayaa waxaa hadda laga dhalinayaa koronto awooddeedu gaarsiisan tahay 20 Megawatt (labaatan meegawaat) islamarkaana daboolaya 80% (boqolkiiba siddeetan) baahida koronto ee magaalada Hargeysa ka jirta waxana ku baxday lacag dhan $20,000,000 (Labaatan milyan) oo Dollar sida laga sheefay xarunta munaasabada ka socotay.

Trending

Exit mobile version