Wararka Soomaalida
Madaxweyne Cagjar iyo Gudoomiye Mursal oo jigjiga kulan ku yeeshay
Gudoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida State iyagoo halkaas kulan is xog wareysi ah kula qaatay Madaxweynaha ismaamilka Soomaali State Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka iyo golaha wasiirada maamulkaasi.
Madaxweyne Cagjar ayaa wafdigan ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ugu mahad celiyay safarka ay ugu yimaadeen magaalada Jigjiga iyagoo xalay magaaladaasi casho sharaf qiimo leh ugu sameeyay.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqayneed ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya sidii la,iskuuga xiri lahaa iyo qaabka loo xoojin karo isku xirnaan tooda.
“Waxaan ku soo dhawaynay magaalada Jigjiga gudoomiyaha baarlamaanka dawlada federal-ka Somalia mudane maxamed mursal waxaana casho sharaf caawa ugu sameeyney wafdigii uu hogaaminaayey Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan,Gudoomiyaha waxaan kawada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diplomacy-yaded labada dawladod, iyo sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka shacabka deeganka iyo kuwa dawlada federal-ka Somalia, dhinaca dhaqaalaha, waxbarashada, isku socodka ganacsi, iyo sidii loogawada shaqayn lahaa amniga xuduudaha”ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar.