Wararka Soomaalida
Madaxweyne Deni oo ku faanay in Puntland ay ka dhici karto doorasho shacab
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta dib ugu laabtay xafiiskiisa oo in muddo ah safar dibadda ah kaga maqnaa ayaa maanta daa furay gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland wuxuuna ku faanay amniga ka jira deegaanada Puntland in doorasho ay codeeyaan shacabka ka dhici karto.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qeybgalay Xafladda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore loo baahnaa balse daah-furka Gudigan qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.
“Waxaa ii muuqanaya Puntland inay u sahlan tahay in doorashadaasi [qof iyo cod ah] dhacdo, marka la fiiriyo amniga ka jira, marka la fiiriyo doonista dadka, marka la fiiriyo fursadaha aan haysanno. Intaasiba waxay suuragal ka dhigi karaan in doorashadaasi ay dhacdo”ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa wuxuu u muuqdaa inuu doonayo in doorashada madaxda Puntland laga dhigo mid shacabka ay doortaan iyadoo muddo dheer lagu soo jiray in Gole baarlamaan ay doortaan madaxda Puntland.