Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore shariif oo kulmay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa kulan ku dhaxmaray xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Kulankan dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegayaa in kulankan uu dalba Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed […]

Published

on

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa kulan ku dhaxmaray xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegayaa in kulankan uu dalba Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ay wada kulmaan waxaana la hadalhayaa in kulankooda uu daaranaa Siyaasadda iyo amaanka dalka.

Warar si hoose u helay Wargayska Tusmotimes kuna saabsan kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed caawa ku dhaxmaray xarunta Villa Soomaaliya ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in la yareeyo dhaleecaynta Dowladda ay ujeedinayaan khubadaha uu ka jeedinayo xafladaha uu ku garab istaago dowladda iyo wax qabadkeeda.

Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa in codsiga Madaxweymaha dalka uu ka aqbalay wixii muuqada ee dhaliil ahna Marmar la sheego islamarkaana uu ogolaado Madaxweyne Farmaajo iyadoo aan lagu fogaanaynin dhaliilaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa in dhankiisa uu ka yeelay dalabka Shariif Sheekh Axmed ee ah in laga hadlo wixii dhab ah ee jira iyadoo la,ilaalinayo nidaamka dowladnimo iyo midnimada Soomaaliya.

Kulankan dhaxmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wuxuu yimid ka gadaal markii munaasabaddii shalay ee ka dhacday Muqdisho ee uu qabsaday Xisbiga Himilo Qaran ee Hogaamiyaha uu ka yahay Shariif Sheekh Axmed khudbadii Shariifka halkaas uu ka jeediyey si aad ah ugu dheeraaday dhaliisha habka hogaamineed ee Madaxda dalka ay leeyihiin.

Kulankii caawa Shariif iyo Farmaajo ayaa ku soo idlaaday isfahan iyo wada shaqayn sida aan ku helnay wararka ka soo baxaya Villa Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version