Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo maxaa uhirgalay maxaase uqabsoomin labadasano ee Madaxweynaha yahay
Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u buuxsantay labo sano muddada xafiiska uu fadhiyo,waxaana xilkan Madaxweynaha loo doortay 8-dii February sanadkii 2017dii ka dib tartan adag oo uu lagalay Madaxweynihii asaga ka horeeyey ee Xasan Sheekh Maxamuud. Markii loo dhaariyey xilka Madaxweynaha khudbadiisii ugu horaysay ee uu jeediyey ayaa waxaa uu […]
Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u buuxsantay labo sano muddada xafiiska uu fadhiyo,waxaana xilkan Madaxweynaha loo doortay 8-dii February sanadkii 2017dii ka dib tartan adag oo uu lagalay Madaxweynihii asaga ka horeeyey ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Markii loo dhaariyey xilka Madaxweynaha khudbadiisii ugu horaysay ee uu jeediyey ayaa waxaa uu ku sheegay seddax qodob oo muhiim ahaa in uu fulin doono.
Waxaana ka mid ahaa.
1-amaanka dalka in wax weyn uu ka qaban doono.
2- in Kooxda Al shabaab uu dalka uu ka saarayo.
3-iyo in wada hadalada Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda uu xoogga saarayo.
Seddaxdaan qodob midna ma,oofinin Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sifo kastaba ha,ugu hirgeliwaayeene.
Habeenkii la doortay Farmaajo 8-dii February sanadkii 2017,18 Gobolka ee Soomaaliya majirin Gobol aaney looga dabaal degin jacaylka loo qabay awgeed xataa Gobolada Al shabaab ay maamulaan iyo Maamulka Soomaaliland shacabka kunool.
haddaba taageeradii shacabka malumay mise wali wuu taagan yahay.
Wali waxaa taagan jacaylka shacabka ay uqabaan hogaaminta dalka Madaxweyne Farmaajo waayo tusaale waxaa nagaga filan markii qaar ka mid ah Baarlamanka federaalka Soomaaliya Madaxweynaha ay ka soo gudbiyeen Mooshinkii,wixii dibadbax ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo intaas dheer waxaa aad uyar dhaleecaynta Madaxweyne Farmaajo ee baraha bulshada ay ku wada xiriiraan iyo dhinaca warbaahinta dadka dhaliila Xafiiska Madaxweynaha oo aad uyar taasina waxay ku tusinaysaa in wali loo hamuunqabo Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Dhinaca kale maxaa uhirgalay muddada uu xafiiska joogo Madaxweynaha
dowladda majaraha uu uhayo Farmaajo wax yaabaha la taabankaro ee uqabsoomay waxaa ka mid ah.
1-soocelintii Maamulka Hawada Soomaaliya ee laga maamulayey dalka dibadiisa.
2-soo dayntii maxaabiistii Soomaaliya ee 1000 kunka ku dhow ee ku dhibaataysanaa Wadamada itoobiya,Hindiya,Liibiya iyo Jasiiradda Siishalis.
3-Siyaasiyiintii ku caanbaxay burburinta dowlad waliba oo Soomaaliya ka dhalata oo uu siyaasadda kaga itaal roonaaday.
4-Xakamaynta iyo burburinta awoodii Madaxda Maamul Goboleedyada oo isu haystay in iyaga la,aantooda waxa soconaya aaney jirin.
5-go,aankii dhax dhaxaadnimada ee uu ka qaatay arrintii Khilaafka wadamada Khaliijka carabta.
6-ku dhiirinaantii eriyadda Wakiilkii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyadoo dadbadan oo iskuuga jira Soomaali iyo ajaaniiba ay aaminsanaayeen in QM ay yihiin baar qabka Soomaaliya ee lama taabtaanka ah iyo in talada Soomaaliya ay iyagu ka go,do balse Farmaajo uu meesha ka saaray.
7-wada shaqaynta iyo isfahanka asaga iyo Ra’iisul wasaarihiisa muddada labada sanadood ah waana markii ugu horaysay Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaarihiisa heerkan wanaagsan ee wada shaqaynta ku dhisan ay isla soo gaaraan.
Madaxweyniyaashii soo maray talada dalka dhamaantood waxay ka sinnaayeen in ay ridaan ugu yaraan labo Ra’iisul wasaare kan seddaxaadna waqtiga usaamixi waayo ama muddo xil,haynta ay ka dhamaato,balse farmaajo hadda labo sanao waxay soo wada shaqeeyeen Ra’iisul wasaarihii kowaad ee uu magacaabay.
Su,aasha taagan ee hadda la,iswaydiinayo ayaa ah tolow labada sano ee uhartay ma,isla dhamaysan doonaan Farmaajo iyo Khayre.
Dhaqaalaha
Muddada labada sanadood ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa sare u soo kacay takhliga Dowladda soo galay mid dibadda uga yimid iyo mid ka soo xarooday dalka gaar ahaan Ganacsatada Muqdusho iyo labada xarumood ee ugu kubaca roon xagga dhaqaalaha ee kala ah Dekadda Muqdisho iyo Airport-ka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Waxaa intaas dheer oo laga cafiyey deyntii farahabadneed ee Soomaaliya lagu lahaa sida uu in badan Warbaahinta u sheegay Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Xagga Musuq-Maasuqa.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxay shirarka iyo xafladahaba ay ka sheegaan in muhiimadda kowaad ay siinayaan inta,talada dalka ay hayaan la dagaalkan Musuq maasuqa.
Dadka xog ogaalka u ah arrimaha labada xafiis ee dalka looga aramiyo kan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in si aad ah ay ula dagaalameen arrimaha Musuq maasuqa iyo nin jaclaysiga.
Aragtida Caalamka
Wadamada Caalamka ayaa ku amaanay Madaxda Dowladdan hadda ka jirta Soomaaliya in xoogaa horumar ah ay ka samaysay dalka wax badana ay ka gaabisay balse wax waliba halmar la wadagaari karin.
mar ay ka hadleen Musuq maasuqa ayaa waxay sheegeen in dowladda xakamaysay xowligii wax isdabamarinta ahaa ee Soomaaliya ku caanbaxday walina meelaha qaar ay ka jiraan Musuq maasuq.
Dhinaca shaqaalaha dowladda iyo Ciidanka.
Inta aan ka war hayno shaqaalaha Dowladda ee ka shaqeeya hay,adaheeda kala duwan ee Dowladda iyo dhamaan Ciidamada qalabka sida ayaa waxay sheegayaan Dowladan mid ka fiican xagga bixinta xuquuqaadka mushaharka shaqaalaha iyo Ciidanka in wali soomarin dalka Soomaaliya rajano ka qabin in ay soo marto markale Soomaaliya.
Diyaariye Faarax ibraahim yacquub Tusmotimes xafiiska Muqdisho.