Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa kulan kula leh Abiy Axmed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Bole International airport si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali.
Wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo dhaweyn balaaran ka helay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo shacabweynaha dalka Ethoipia ka dib markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Bole International airport ee magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethoipia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed kulan qasriga Madaxtooyada Addis Ababa ku dhaxmaray Abiy iyo Farmaajo wuxuu daaran yahay adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxay ka qayb geli doonaan Munaasabad lagu daah furayo beerta nabada ee ku taala bartamaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulammo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac safarkan waxa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad,Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La-taliyayaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Qaranka Soomaaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.