Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo oo bilad gudoonsiiyay Gudi+Sawiro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Bilad sharaf gudoonsiiyay Gudigii soo qaban qaabiyay Munaasabadihii lagu xusayay maalmaha Xoriyadda ee 26 Juun iyo 1-da Luulyo ee ka dhacay Magaalada Muqdisho. Gudigaas ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Khadar,Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh,wasiirka Warfaahinta Maxamed Xayir Maareeye, […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Bilad sharaf gudoonsiiyay Gudigii soo qaban qaabiyay Munaasabadihii lagu xusayay maalmaha Xoriyadda ee 26 Juun iyo 1-da Luulyo ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Gudigaas ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Khadar,Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh,wasiirka Warfaahinta Maxamed Xayir Maareeye,
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiya Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo ma’suuliyiin kale.
Xafladaas Bilad sharaf gudoonsiinta ah ayaa waxay ka dhacaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.