Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo deg deg ku gaaray Nairobi

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray falabta gaaray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya iyadoo halkaas ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan Santuuqa horumarinta dadweynaha.

Shirka Sanduuqa horumarinta dad weynaha ee ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee uu ka qayb galayo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo qaban qaabisay QM iyadoo wadamo badan oo caalamka ah ay ka qayb galayaan Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada sida gaarka ah loogu casuumay shirkaasi.

Galabta markii uu soo baxday wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu safar deg deg ah u aaday dalka Kenya ayaa waxaa la,isla dhaxmarayay waxa keenay in Madaxweynaha uu safar u aado Kenya iyadoo dalkaas iyo Soomaaliya ka dhaxayso dacwadda arimaha badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Agaasimaha war faafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo Saxaafadda kula hadlay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ka hor intaynan ka duulin garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shirkan muhiim u yahay Soomaaliya ka qayb galka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa halkaas si diiran oo walaalnimo ah ugu soo dhaweeyay madaxda Kenya waxaana loo galbiyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa meeshii loogu tala galay inay sii deganaadaan inta shirkaas uu ka dhamaanayo.

Trending

Exit mobile version