Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo udiray Boris Johnson

Published

on

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo udiray Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson iyo xisbigiisa oo ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee ka dhacday dalka Britain.

Farmaajo oo qoraal soo dhigey Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in Ra’isul wasaare Johnson iyo dowladdiisa ay yihiin Saaxiibo muhiim u ah Soomaaliya.

“Guusha doorashada Boqortooyada Midowday UK waa saaxiibo muhiim ah oo saaxiibo la ah Soomaaliya hogaamiyaha Boqortooyada Ingiriiska waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno si aan u sii xoojino xiriirka labada dal”ayuu yiri Madaxweyne farmaajo.

Boris Johnson Ra’isul Wasaaraha Boqortooyada UK ayaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid 15-kii Bishii Maarso ee sanadkii 2017 isagoo xiligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda UK wuxuuna la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale.

Trending

Exit mobile version