Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay soo celinta Taalooyinka

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda uu hogaamiyo ka go,antahay soo celinta dhamaan Taarikhdii ay la haayeen halyeeyadii usoo halgamay dalka geed gaaban iyo geed dheerba ay ufuulayaan soo celintooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in soo celinta astaamahan shacabka Soomaaliyeed utahay muhiim si jiilka xiga xusuus iyo Taariikh ugu noqoto sidoo kale marwalba maskaxda shacabka aaney ka bixin sidaas awgeed ay usoo celiyeen halgamiyaashii Soomaaliyeed ee caanka ahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqday dhamaan xarumaha Taalooyinka ee dib loo howgaliyay.

Markii uu dhacay bur burkii ayaa la boobay dhamaan astaamihii halyayadan caanka ah Taalooyinkii loo sameeyay waxaana hadda 28 sano ka dib dib usoo celisay dowladda federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha uu ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan ku hanweynahay inaan maanta qarankeenna u horseedo soo celinta taariikhdeena gaar ahaan halgamiyaashii dalkan u soo halgamay sida Sayidka, Dhagax-tur, Xaawo-Tako, Axmed Gurey iyo SYL iyo dhammaan intii kale ee usoo halgan tay Soomaaliya ilaalinta taariikhdeena waxay ina xusuusineysaa muhiimad weyn waxayna mustaqbalkeena ku dhiiri gelineysaa in jeelka imaan doona dib umilacsadaan Taariikhda dalkan uu leeyahay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalkan Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii dhowaan dowladda Madaxweynaha uu ka yahay soo celisay dhamaan Taalooyinkii halgamiyaashii Soomaaliya ee surnaanjiray bartamaha magaalada Muqdisho iyadoo hadda dhamaan la wada suray halgame walba taaladiisa.

Trending

Exit mobile version