Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii New Zealand

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu jawaab caroleh ka bixiyey caawa weerarkii dadka muslimiinta ah ee maanta loogu gaystay dalka New Zealand ka dib markii nin haysta diinta Kirishtanka una dhashay dalka Australia falkaas uu ku sameeyey dad udhashay Wadamo kala duwan haba ugu badnaadaane Muslimiinta New Zealand. Dadkaas Muslimiinta ah ee uu […]

Published

on

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu jawaab caroleh ka bixiyey caawa weerarkii dadka muslimiinta ah ee maanta loogu gaystay dalka New Zealand ka dib markii nin haysta diinta Kirishtanka una dhashay dalka Australia falkaas uu ku sameeyey dad udhashay Wadamo kala duwan haba ugu badnaadaane Muslimiinta New Zealand.

Dadkaas Muslimiinta ah ee uu laayey maanta Brenton Tarrant ee cunsuriga ayaa waxaa ku jiray dad Soomaali ah balse haysta dhalashada Wadanka New Zealand.

Ninkan laayey musliminta ayaa waxaa lagu magacaabaa Brenton Tarrant wuxuuna dilay maanta 49 qof iyo dhaawaca 40 kale ka dib weerar uu ku qaaday labo Masaajid oo ku yaala dalka New Zealand.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aad ugu xun yahay falkaas lagu laayey dadkii Allah hortiisa taagnaa wuxuuna ku tilmaamay dhacdadan mid cunsuriyad ah islamarkaana ah Muslim naceeb mid la xiriirta.

Waxaa kaloo uu sheegay in Madaxda New Zealand iyo bulshada Muslimka ah ee dalkaas ugu tacsiyadeynayo wixii maanta ka dhacay dalkooda wax loo dulqaadan karo aaney ahayn wixii maanta uu ku kacay Brenton Tarrant.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa usheegay Madaxda New Zealand in loo baahan yahay in la helo dariiq lagu tirtirikaro sidii argagixisada noocaas ah la,iskiiga kaashan lahaa.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixisada ee naxdinta leh ee ka dhacay New Zealand islamarkaana ah mid ka dhan ah cibaadada Muslimka.waxaan la xanuunsanneynaa oo la murugooneynaa Madaxda New Zealand iyo bulshada Muslimiinta ah waxaan garab idinka siinaynaa sidii aad uga adkaan lahaydeen kuwa ficida noocaan ah sameynaya Waa inaanu midownaa si aan u lumino sharka argagixisada ee noocyada kala duwan leh”

Brenton Tarrant ee laayey muslimiinta ayaa hadda waxaa uu gacanta ugu jiraa Ciidamada dalka New Zealand ka dib howlgal ay ka sameeyeen goobtii uu ku laayey muslimiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version