Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Maraykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan safar u aadi doona dalka Maraykanka iyadoo halkaas uu kaga qayb galayo shirka golaha amaanka ee QM ka dib markii uu iska celiyay Jansiyadii Maraykanka ama baasaboorkii Maraykanka ee ka xanibayay Madaxweynaha asagoo haysta jansiyadda maraykanka uu shir kaga qayb galo asagoo Madaxweyne wadan kale ah.
Sanadihii la soo dhaafay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqaday shirarkii golaha amaanka ee New York ee dalka Maraykanka iyadoo shirarkaas ay ka qayb galeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Sanadkan ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ka dib markii 1 August ee sanadka uu iskaceliyay jansiyadii Maraykanka.