Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Gudi

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan uu la qaatay Guddiga Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug uga mahadceliyey hannaankii wanaagsanaa ee ay ku hageen go’goshii nabadda iyo dib u heshiisiinta ee muddo laba bilood ah loo fadhiyay magaalada Dhuusamareeb ugu dambayntiina ku soo gabagabowday si nabad galyo ah.

Madaxweynaha oo gudigan kulanka kula qaatay degmada Dhuusa-mareeb ayaa mahad celin ka sokow gudoonsiiyay shahaado sharaf uu sheegay inay ku mutaysteen howsha adag ee ay u soo dhabar adeegeen qabsoomideeda iyadoo dadbadan rajo beel ka muujinayeen sida uu ku qabsoomi karo shirkaas dib u heshiisiinta ahaa ee xalay Madaxweyne Farmaajo uu soo xiray.

Hadda wixii ka dambeeya ayaa waxaa loo diyaar garoobayaa soo xulistii Golaha Baarlamanka cusub ee Galmudug iyadoo hadda beel walba ubilowday xunsulduubka ay ugu jiraan saamigooda Golaha Baarlamanka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version