Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo laga hor istaagay kulan oo ku qaban lahaa Garowe

Wararka aan ka helayno Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kulan taageero ah oo uu ku qaban lahaa Magaalada Garowe laga hor istaagay ka dib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni si cad ugu sheegay Madaxweynaha in wax kulan ah uusan ku qaban karin […]

Published

on

Wararka aan ka helayno Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kulan taageero ah oo uu ku qaban lahaa Magaalada Garowe laga hor istaagay ka dib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni si cad ugu sheegay Madaxweynaha in wax kulan ah uusan ku qaban karin Magaalada Garowe iyo xataa Idaacadaha iyo TV-yada xarumaha ku leh Garowe in aan laga baahin karin wax ka baxsan ajandaha Shirka  ka socda Garowe.

Arinta is hor istaaga ah ee kulankii Madaxweyne Farmaajo ee Garowe ayaa waxaa goor dambe ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni wuxuuna ku macneeyey is hor istaaga arimaha shirka ee Madaxweynaha in iyadoo aan la dhamaynin ee xal laga gaarin khilaafka Maamulada iyo dowladda dhexe in hadda loo fasixikarin in Madaxweyne Farmaajo uu kulan taageero ah ku qabsado Garowe.

Is hor istaaga shirka Madaxweynaha Qaranka ee Magaalada Garowe ayaa waxaa dhinaca kale ka hadlay siyaasiyiin aad ugu dhuun duleela arimaha Maamulada iyo dowladda dhexe waxayna ku tilmaameen in Siciid Cabdulaahi Deni sumcadii loo hayey ay dhaawacayso ficilkaas ee uu ku dhaqaaqay Siciid Deni.

Siyaasiyiinta iyo shacabka ku nool deegaanada Puntland oo si wadajir ah uga hadlay talaabadaas Siciid Deni ee uu kaga hor istaagay Madaxweyne Farmaajo kulankii uu ku qaban lahaa Magaalada Garowe ayaa waxay ku tilmaameen mid sii kala fogaynaysa wadajirka iyo isku soo dhawaansha dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland islamarkaana Bansiin ku sii shubaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version