Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo mas,uul cusub xil umagacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caawa mas,uul cusub xil umagacaabay kaasoo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf. Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasime ku xigeenka guud ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed ee Villa Soomaaliya laga bilaabo caawa oo wareegtadan laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caawa mas,uul cusub xil umagacaabay kaasoo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf.

Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasime ku xigeenka guud ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed ee Villa Soomaaliya laga bilaabo caawa oo wareegtadan laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya shaqsigan hadda loo magacaabay ee magaciisa uu yahay Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf ayaa waxaa uu yahay nin dhalinyaro ah.

 

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa waxay uqorneed sida tan.

“Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya,waxaan Eebe uga baryaynaa inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version