Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farmaajo oo si caro leh uga hadlay weerarkii Muqdisho+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii shalay galab ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaasoo sababay dhimasho iyo dhaaqac soo gaaray masuuliyiintii halkaas shirka ku lahaa. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska […]

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii shalay galab ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaasoo sababay dhimasho iyo dhaaqac soo gaaray masuuliyiintii halkaas shirka ku lahaa.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameeyeen qaraxii Arbacadii la soo dhaafay xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay.

Agaasimaha xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si deg deg ah ula timaado qorshe dhammeystiran oo ku aadan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab.

“Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii balaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan loo qaaday dalka Qatar.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisada isaga oo sidoo kalana janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday weerarkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version