Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo oo Taliyaal magacaabay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa digreeto Madaxweyne uu soo saaray ku Magacaabay S/Guuto Mahamed Cali Bariise Taliye kuxigeenka CXDS Iyo S/Guuto Cabdihamid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Dhulka/Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha saaka safar deg deg ah ku aaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethoipia iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa magaaladaas ay kaga qayb geli doonaan xaflada furitaanka beerta nabada ee ku dhaxtaala Addis Ababa.