Wararka Soomaalida
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Horie Ryoichi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya ka dib markii dhowaan xilkaas loo soo magacaabay soona gaaray magaalada Muqdisho.
Danjiraha Boqortooyada Japan Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzō Abe wuxuuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu hoggaaminayay ee dalka Japan ka dhacay.
Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.
Sidoo kale dowladda Japan waxay ballan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada dhawaanna ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha.
Dhankiisa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay wuxuuna tilmaamay in uu soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka Soomaaliyeed dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayo gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.