Wararka Soomaalida

Madaxweyne Farnaajo oo maanta booqday xeryaha qaar ee Ciidamada

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga & Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee ku taallo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyo qaar kale. Maalmahan dambe waxaa taagnaa Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan kuwaasi oo ka soo baxay furumaha dagaalka qaar ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Iyadoo arrimahaasi ay jiraan, ayaa […]

Published

on

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga & Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee ku taallo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyo qaar kale.

Maalmahan dambe waxaa taagnaa Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan kuwaasi oo ka soo baxay furumaha dagaalka qaar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Iyadoo arrimahaasi ay jiraan, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uu maanta tagay labadaasi Xarumood oo Saldhig u ah Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kala hadlay arrimaha ku aadan Ciidamada & xalkooda Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, islamarkaana Madaxweynaha uu u sheegay muhiim inay tahay qaadista dagaal ka dhan ah Shabaab.

Wadooyinka ku dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga & wadada Tarabuunka ayaa loo xiray intii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guda jiray kormeerka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya & Xerada Ciidamada ee Jeneraal Gordan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in la diiwaangeliyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, diiiwaangelintaasi oo caqabado kala duwan ay ka yimaadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version