Wararka Soomaalida

Madaxweyne Geelle iyo wafdigiisa oo ka duulay Muqdisho+sawiro

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigii uu hogaaminayey ee shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa casho sharaf loogu sameeyey Magaalada Muqdisho. Xafkaddaas oo ay ka qeyb galeen wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaanada labada gole ee Soomaaliya iyo wasiirada iyo Xildhibaanada reer Jabuuti islamarkaana ay ka wada qeyb galeen Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti […]

Published

on

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigii uu hogaaminayey ee shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa casho sharaf loogu sameeyey Magaalada Muqdisho.

Xafkaddaas oo ay ka qeyb galeen wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaanada labada gole ee Soomaaliya iyo wasiirada iyo Xildhibaanada reer Jabuuti islamarkaana ay ka wada qeyb galeen Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa laga qaaday heeso wadani ah oo ka tarjumayey walaaltinimada labada dowladood.

Barqadii maanta ayaa Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Farmaajo xariga ay ka jareen dhismaha Safaaradda Jabuuti ee dhawaan dhismahaas cusub la gaba gabeeyey.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal.

“Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isagoo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd.

“Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda dhammaysato.

Intaas ka dib mas,uuliyiintan ayaa waxay u soo dhaqaaqeen howlka Jannaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho halkaas oo Ismaaciil Cumar Geelle uu Khudbad dardaaran ah uu ugu jeediyey Baarlamanka labadiisa Aqal.

Wafdigii uu hor kacayey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galabta la duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxayna duuleen dalka Jabuuti.

Waxaa ilaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho sii sagootiyey wafdigan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version